Home Afsomali Dhismaha Xarunta Baarlamaanka oo ay gacan ku heyntiisa la wareegeen ...

Dhismaha Xarunta Baarlamaanka oo ay gacan ku heyntiisa la wareegeen Ciidamada AMISOM oo la wareegay

Ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guud ahaan la wareegay Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio.

Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Ugand ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan xarunta.

Ciidamadaan ayaa yimid ka dib markii Guddoomiye Jawaari uu xalay shaaciyay in ciidamo uu soo diray Ra’iisul Wasaare ay la wareegeen xarunta.

 Xarunta Golaha Shacabka ma jiraan shaqooyin badan oo ka socda, waxaana horay u joogay ciidamo loogu tala galay in ay xaqiijiyaan Ammaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u jooggay xarunta laakiin saakay ayaa lagu soo daray ciidamo dheeraad ah.

Khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xoogeystay, waxaana uu sameyn ku yeeshay howlihii baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.