Madaxda Ciidamada Dalka Uganda ee loo yaqaan UPDF ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah Askarta Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya,kaas oo lagu helay dambi ah in uu kufsi u geystay Gabar 14 jir Soomaali ah.
Raphael Olinga,waa Askariga lagu helay dambiga kusfiga islamarkaana shaqada laga eryay,warbixintan dhegeystay taliyaha Maxkamadda Ciidanka Uganda Jen. Andrew Gutti,isaga ayaana shaqo eryidda ku dhawaaqay Isniintii shalay ahayd.
Andrew Gutti,waxaa uu sheegay in xukunka Askarigan uu yahay xabsi madaxaa haku furto ah,hayeeshee maaddaama kiisku yahay qeybta hore ,shaqo eryid ayaa lagu sameeyay.
Moses Wandera,oo ah agaasimaha xeer ilaalinta Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in todobaad ka hor waaliddiinta Gabadhaas ay diideen in ay la kulmaan Mas’uuliyiinta Ciidanka Uganda,waxaana uu sababta ku sheegay in gudaha Soomaaliya kusfiga uu ka yahay ceeb iyo sumcad dil qoyskaas ku dhacday,islamarkaana aysan dooneyn in bulshada ogaato.
Waxaa uu intaas ku daray Mr Moses Wandera, in waaliddiinta Gabadha la kufsaday ay Uganda weydiisteen Lacag farabadan oo ay ku sameystaan dib u dejin ama uga baxaan Soomaaliya si ay u degaan dal kale.
Isla shalay waxaa uu xukun ku dhacay Robert Wafula oo ka mid ah Askarta Uganda,kaas $40,000 oo doollar ka xaday Taliyiiihsa.