Home Afsomali Madaxweynaha Dowlad Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo gaaray Magaalada Baladweye

Madaxweynaha Dowlad Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo gaaray Magaalada Baladweye

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi baladhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaalada  Baladweye ee xaruta Gobolka Hiiran,Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay.

Socodaalka Madaxweynaha ayaa waxa ku wehelinayey Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lahadlay bulshada ayaa waxa uu ka codsaday inay ka qeyb qaataan Howlgalada lagula dagaalamayo Al shabaab ee laga bilaabmay deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa Dhalinyarada Magaalada Baladwayne ugu baaqay  la shaqeeya maamulkooda.

“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ula hadlo dhalinyarada oo dabka lagu shubaayo hooyooyinka sidoo kale, waa in Dhalinyarada yar yar laga wacyi galiyaa oo loo sheegaa Khatarta Maleeshiyada Al shabaab”.ayuu yidhi Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.