Shirkaan i jaraa’id si wadajir oo ay si wada jir ah u Qabteen Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulahai Farmaajo iyo Gudoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somaliya .
Jawaari oo shirka jaraa’id ku horeeyay ayaa sheegay in uu Shirkan jaraa’id u qabtay in Madaxweynaha iyo dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in uu xilka ka degayo Shirka ugu hoeeyo ee uu golaha baarlamanku yreesho
Dhinaca kale ,Madaxweyne Farmaajo oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa uga mahad celiyay Jawaari go’aankii taariikhiga ahaa uu qaatay , waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jawaari yahay nin nabadoon ah oo qaranka wax badan usoo qabtay.
Shirkan jaraa’id ay wada qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari ayaa imaanaya kadib wadahadlo u saacadayMaalmihii la soo dhaafay , waxa uuna Gudoomiye Jawarai horey ugu dhaawaaqay in uu iska casilay Xilkii uu hayay ee ahaa gudoomiynimda Golaha Barlamaanka