Home Afsomali Warmurtiyeed ku aadan ficilada Emaaraadka oo dowladu soo saadhay

Warmurtiyeed ku aadan ficilada Emaaraadka oo dowladu soo saadhay

Villa  war murtiyeed u muuqday  jawaab cad oo ay kula hadlayso dowladda Imaaraatka Carabta, taasoo iyana qaadatay go’aan ay ku joojinayso taageeradii ay ufidin jirtay dowladda federalka Soomaliya, iyadoo kaga jawaabaysaa xad gudub loo geystay lacagteedii.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Soomaaliya  wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay, in xukuumada federalku ay soo dhoweynayso maalgelinta kasta oo Imaatraatku dalka ka sameynayo iyadoo loo marayo hab sharci ah.

Waxaa kaloo qoraalkaan lagu sheegay in dowladda federalku iyo Imaaraatku ka wada hadleen lacagihii dhawaan lagu qabtay garoonka Aadan Cadde kadib markii UAE u sharaxay in lacagtaas ay ahayd maalgalinta ciidamada milatariga Soomaaliya.

Hadalka Villa Somaliya ayaan kusoo aadaya kadib markii dowladda Imaaraatka Carabta ay go’aansatay inay joojiso tababaradii milatari oo ay ufidin jirtay ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.