Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.
Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika.
Shirkan,ayaa Diiradda lagu saaray amniga Dalka , iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.
Wasiirka wasaarada amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa warbaahinta xogta la wadaagay
Todobaadka danbe ayaa lagu wadaa in Shirka kaan mid la mid ah uu ka dhaco Magaalada Burugsalis ee xarunta dalka Belgium-ka waxaana Dowladda Soomaaliya uga qeybgali doono wafdi uu hogaaminayo RW xasan Cali