Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaada uu wabiga Shabelle ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Beledweyne, isaga oo dhextaagan biyaha uu wabigu fatahay waxaa uu sheegay in musiibada ka taagan Beledweyne ay ka weyn tahay maamulkiisa.
Madaxweyne Waare ayaa shir jaraa’id ku dhex qabtay xaafado ay gudaha u soo galeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle, waxaana biyaha u joogeen illaa jilibka.