Waxaa barqadii Xaafada Radio Muqdisho Gaar ahaan agagaarka ceelka siyaad dhiti 00 katirsan Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka nin la gowracay sidoo kale indhaha laga soo bixiyay .
Dadka deegaanka ayaa arkay meydka ninkan oo yaala meel cidlo ah ooo ku raftay markii uu nafbaxayey hareerihiisa uu yaal dhiig badan oo ka baxay ka dib markii la gowracay oo qoorta aan laga jarin balse sidii xoolo loo qalay sidoo kale indhaha laga bixiyay, waxaana si weyn u argagaxay dadkii arkay meydkaasi oo ahaa mid aan deegaanka laga garaneynin.
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka lagu arkay meydka ninkan la gowracay oo da’diisa lagu qiyaasay 40-sano jir, lamana oga ilaa hada in goobtaasi lagu gowracay ninkaasi iyo in meydkiisa un la geeyay goobtaasi.
”Meydka ayaan ku aragnay isaga oo meel cidlo ah dhax yaala, waan ka argagaxnay waana garan weynay ninkaasi, waxa uu xirnaa Jaakada Calanka Soomaaliya iyo buumo kaliya, lugtanaa dhaawac hore ayaa uga yiilay hada meydka waa la qaaday ciidamaa u yimid” Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.
Maamulka Degmada Dayniile iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin meydka ruuxa la gowracay ee lagu arkay xaafadan katirsan Dayniile, laman aga ilaa hada wax uu ahaa ninkaasi la dilay iyo waliba cida dilkiisa ka dambeysay.
Magaalada Muqdisho mudooyinkan laguma arag qof la gowracay oo meel cidlo ah la dhigay, waxaana kaliya magaalada looga bartay in ay ka dhacaan dilal qorsheesan oo loo geesto dad bartilmaameed ah.