Hey’adda Qatar Charity oo ka mid ah hay’addaha ka howlgala dalka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyay shacabka Soomaaliyeed si wax ku ool ah kaalmo u gaarsiisay ayaa bilowday barnaamij afurin.
Madaxa Hey’adda Qatar Charity ee xafiiska Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa sheegay in hay’adda Qatar ay mar kasta ka go’antahay inay hawlihii ay horay shacabka u haysay ay sii labalaabayso bisha Ramadan.
Kaalmadaan afurinta ah ayaa ku soo beegantay xilli ay shacbka Soomaliyeed ay u baahnaayeen inay helaan kaalmo noocaan ah.
Hey’adda Qatar Charity ayaa waxaa Soomaaliya xafiiskeeda laga furay 2007, howlaha uu qabto waxaa ka mid ah daryeelka agoonta, gurmadka abaaraha, mashaariicda horumarinta, afurinta dadka Sooman, Caafimaadka, Waxbarashada, biyaha, dhismaha Masaajidada, qodida ceelasha, kaalmeynta masaakiinta, danyarta iyo curyaamiinta.