Waxa ay maanta Iska hor imaadyo u dhexeeyo Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowadda ay siyaabo kala duwan uga dhaceen gudaha magaalada Muqdisho.
Israsaaseynta koowaad ayaa Barqanimadii maanta ka dhacday nawaaxiga xarunta Godka Jilacow ee degmada Boodheere , halkaas oo ay isku rasaaseeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa NISA iyo Ciidamo milatari ah.
Iska hor imaadka ayaana la sheegay in uu yimid, kadib markii uu kala shaki soo kala dhexgalay Ciidamadaasi
Inta la xaqiijiyay waxaa ku ku dhaawacamyay iska hor imaadkaasi 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada milatariga Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa Iska hor imaad kooban uu ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta iyo Ciidamo Boolis ah oo marayay Isgoyskaasi.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ay gaareen halkaasi.
Sidoo kale wararka naga soo gaaraya Isgoyska Sana ee degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Iska hor imaad uu maanta ka dhacay Isgoyskaasi.
Waxaana uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo ku sugan halkaasi iyo Ciidamo la sheegay in ay la socdeen Gaari Cabdi Bile oo marayay Waddadaasi.
Ma cadda isna khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Iska hor imaadkaasi oo muddo kooban ka socday halkaasi.
Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dhacdooyinkaasi.
Inta badan Ciidamada dowladda ayaa isku dhaca xilliyada ay marayaan Waddooyinka M/ Muqdisho, waxaana waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartaa dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsanin.