Shirkii labaad ee Gudiga Maalgashiga Shisheeye (Foreign Investment Board) ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gamacsiga iyo Wershadaha. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha Gudiga waxaa sidoo kale maanta ka qayb galay oo erayo dardargelin iyo dhiirigelin ah ka jeediyey Wasiirka iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Gamacsiga iyo Wershadaha
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo uu wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa maanta Xaruunta Wasaaraddaasi kulan kula yeesheen Guddiga Maalgashiga Shisheeye.
Kulankaasi waxaa looga hadlay dar dar gelinta howlaha guddiga ee ku wajahan in dalku helo maalgashi shisheeye oo fursad u noqon kara koboca dhaqaale ee dalka sida uu sheegay Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa u muujiyey Guddiga in ay hortaalo masuuliyad adag, waxaana uu ku kula dar daarmay in ay abuuraan waji cusub oo sahlaya in caalamku uu ku dhiirado maalgashi dalka ay ku sameystaan.
Guddiga Maalgashiga Shisheeye waxaa xubno ka ah Wasaaradaha Ganacsiga, qorsheynta, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Bankiga dhexe iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana qorshaha guddigu uu yahay in dalku helo maalgashi caalami ah.