Khilaafkii siyaasadeed ee Ka aloosnaa madaxda maamul goboleedka Gal-mudug wali wuu taagan yahay mana jira xal laga daaray xiisada Siyaasadeed ee Ka kala shidan Magaalooyinka Caadado iyo Dhuusamareeb ee Gal-gaduud.
Mana jiro ilaa iyo hada Wax isku Soo dhawaansha ah ee labada garab ee ay u kala jabeen madaxda maamul gobaleedka Gal-mudug, Waxaana Wali ay Ku kala adkeesanayaan Moqifkooda.
Guddomiyaha Baarlamanka Gal-mudug Cali Gacal Casar Oo La hadlay saxaafada Magaalada Moqdisho ayaa sheegay in ay Qorsheenayaan Dowlada Dhaxe Ee Soomaaliya in ay gar wadeen Ka Noqoto Khilaafka ka dhax aloolsan madaxda ugu sareysa maamulka Gal-mudug.
Dhinaca Kale Guddomiye Ku xigeenka Baarlamanaka Gal-mudug ayaa tilmaamay in Madaxda Gal-mudug ee Ku sugan Cadaado aysan Gal-mudug U dhutun doonin, Howshana sideeda ay U socon-doonto.
Khilaafkan Ayaa Soo shaac baxay dhawaan waxaana dhinaca Ku sugan Dhuusa-mareeb ay sheegayaan in uusan Jirin Khilaaf, halka Kuwa Cadaado-na ay Lee yihiin Ma jiro Wax-Heshiis ah Oo Ka dhaxeeyo Madaxda Gal-mudug, Waxaase ay qeexayaan in ay rabaan fara-galin dowlada si Loo xaliyo Khilaafka.