Home Afsomali VIDEO Taliyaha ciidanka xoga dalka soomaliya oo ciidamada uga digay in aysan...

VIDEO Taliyaha ciidanka xoga dalka soomaliya oo ciidamada uga digay in aysan hub ku qaadan karin Magaalada Gudaheeda

Taliyaha ciidanka xoga dalka soomaliya S/Gaas C/wali Jaamaca Gorod  ayaa sheegay in inay socoto howl lagu xasilaniyo Amniga Caasimadda islamarkaan ay muhiim tahay in ciidamadu ay gacan ka geystaan wuxuna ciidanka xooga uga  digay inaan magaalada lagu dhex qaadan wax hub ah oo aan fasax heysan.

waxa uu  Ciidamada amniga Caasimada loo xilsaaray ugu baaqay inay hubiyaan gaadiidka iyo ciidamada ay la kulmaan islamarkaana tixgaliyaan ciidamada kale ee  u idman gudashada fulinta howlgalada socda.

taliyaha ciidanka xoga dalka soomaliya S/Gaas C/wali Jaamaca Gorod  ayaa tababar lagu baranayo u turida iyo caawinta dadka shacabka ah u furay ciidamo ka tirsan  xooga dalka kuwaas oo qeyb ka mid ah caasharada la siinayo ay kujirto wadaniyad.

Waxaana taliyuhu uu si aad ula dardaarmay ciidamdaas oo ay barayaal u yihiin qaar ka mid ah saraakisha ciidanka xooga dalka oo wax kusoo bartay dalka dibadiisa.

Taliyaha Xooga dalka S/gaas gorod ayaa dalacsiiyey saraakil lagu soo tababaray dalka Uganda kuwaas oo uu shegay in  la howlgalinayo.

Ciidan Xooga dalka ayaa waxa ku socda dib u dhis dag daga kaas oo uu horkacayo Madaxweynaha JFS mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo horay u sheegay in dhismaha ciidanku ay tahay howlaha horyaala Dowalda uu hogaamiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.