Wadayaasha Moota Bajaajka ee ka howgalo magaalada Muqdisho ayaa manta xiray isgoyska KM4, iyagoona ka cabanaya wadooyinka magaalada oo xiran kadib amarkii Madaxweynaha ka soo baxay ee ahaa in la furo wadooyinka magaalada Muqdisho.
Banaan bax looga soo horjeedo waddooyinka xiran ayaa ka socda Isgoyska Km4, halkaasoo ay xireen darawalada Mooto bajaajka oo soo buuxiyay isgoyska iyo hareerihiisa.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay rasaas cirka ugu ridaan mootooyinka bajaajka ee xiray wadada, waxaana cabashadooda ay ku muujinayaan in gebi ahaan wadada gooyaan.
Qaar ka mid ah darawalada mooto bajaajka ayaa sheegay inay ka cabanayaan jidadka xiran, isla markaana uu weli shaqeyn la’yahay amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in waddooyinka la furan.
Boqolaal Gaadiidka Mootada Bajaajka ah ayaa wadayaasha ku gooyeen Isgoyska KM4 iyagoona in muddo ah xanibay isku socodkii dadka iyo Gaadiidka.
Ciidamada amaanka ayaa rasaas cir ugu riday wadayaasha Mooto Bajaajka isku soo baxa dhigayay kuwaas oo dalbaday in arintaas ay ka hadlaan mas`uuliyiinta ugu sareysa dowlada.
Wadayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah wadooyinka ay wali xiran yihiin kuwa kala subaxa hore ee maalintii la furo galinka dambe ee maalintiina ay ciidamada xiraan.
Waxaana ay dalbadeen in dowlada arintaas ay wax ka qabato.
Waxaa ay sheegeen in ciidamada ay subaxdii waddooyinka furaan, isla markaana ay galabtii xiraan.
Darawalada bajaajta ayaa sheegay in aanay wadada ka tagi doonin illaa Mas’uuliyiinta dowladda ay la hadlaan.
Xaalada Isgoyska KM4 ayaa ah mid qasan, iyadoo wadada ay isku xayiran tahay, ma jirto gaadiid gudbaya.