Home Afsomali VIDEO Madaxweyne farmaajo ayaa casuumaad hal maalin ay fursad u siiyey...

VIDEO Madaxweyne farmaajo ayaa casuumaad hal maalin ay fursad u siiyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si uu indhihiisa ugu soo arko horumarka dhankasta leh ee ay somalia ku talaabsatay intii uu madaxweynaha dalka ka ahaa farmaajo ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Ethiobia Abiy Ahmed oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Abiy Amed ayaa booqasho hal maalin qaadan doonto waxaa uu ku yimid Saakay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa casuumaad hal maalin ay fursad u siiyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed si uu indhihiisa ugu soo arko horumarka dhankasta leh ee ay somalia ku talaabsatay intii uu madaxweynaha dalka ka  ahaa farmaajo

Abiy Ahmed ayaa soo dhaweyn heer Sare ah waxaa loogu sameeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qeyb qaatay Madaxda Qaranka , Ciidamada iyo Shacab.

waxana a garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, , Diblomaasiyiin, Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka.

 Waxaa loo soo galbiyay Madaxtooyadda Qaranka,halkaasi oo kulamo kala duwan kula qaadan doonto Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waa Booqashadii ugu horreysay oo uu Soomaaliya ku yimaado Abiy Ahmed tan iyo intii loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.