Home Afsomali Full VIDEO Turkiga oo Muqdisho loogu sameeyey barnaamij xiisa galiyey safaradooda Xamar

Full VIDEO Turkiga oo Muqdisho loogu sameeyey barnaamij xiisa galiyey safaradooda Xamar

https://youtu.be/5s_NZ909SJI

Xafladaan oo aheyd mid looga mahadcelianayey dadaalka dheeriga ah ee ay dowlada turkiga sida hagar la,aanta ah ugu qabato shacabka iyo dhamaan bulshada somaliyaae ayaa lagu qabtay aqlaka dowlada hoose ee xamar

Munaasibada ayaa waxaa soo qabanqaabiyey gudoomiyaha maamulka gobolka banaadir ahna duqa muqdisho enj cabdieraxmaan cumar cusmaan yariisow

Waxaana ka soo qeybgalay gudoomiyeyaasha 17 ka dagmo iyo kuxigeenadooda sareeyayaal.   Taliyayaal ciidan ,saraakiil, siyaasiyiin  dhalinyaro haweenka gobalka  banaadir iyo marti sharafeeyd kale oo munaasibada lagu casuumay

Barnaamijkaan waxaan ku soo qaadaneynaa dhamaan sidii ay u dhacday xaflada oo aheyd mid lagu casuumay safiirka dowlada turkiga iyo diblamaasiiyinta safaarada oo dhan waxaana looga mahadcelinayey gurmadkii iyo garab istaagii ay soo garab istaaga shucuubta iyo madaxda dowlada turkiga oo uu ugu horeeyo madaxweyne rajab dayib ordagaan

Fanaaniinta iyo cayartoday kooxaha kala duwan ee dalka qaarkod ayaa munaasibada ku soo bandhigay cayaaro iyo heeso ka turjumayy  hidaha iyo dhaqanka soo jirenka ah ee labada dal

waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay filim ka sheekeynayo mashaariicda turkigu ka fuliyey gudaha dalka somaliya

Madaxdii qudbadaha kala duwan ka jediyey  ayaa waxaa ka mid ahaa udoomiyaha maamulka dowlada gobadalka banaadir injiner cabdiraxmaan cumar cusmaan yariisow taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyed sareeye guud bashiir maxamed jaamac goobe,

Ugu danbeyntiina   safiirka dowlada turkiga   oo ku hadlayey magaca madaxweynaha dalka turkiga ayaa ka munaasibada loo sameeyey dowladiisa ka mahadceliyey

Munaasibaadaan ayaa eheyd gabi ahaanteed si heer sareyso uga turjueysay waxqabadka iyo dadaalka aan kala joogsiga laheyn ee turkiga

*


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.