Home Afsomali VIDEO Qarax Lagu Weeraray Madaxweynaha Zimbabweoo Si Toos Ah loo duubay

VIDEO Qarax Lagu Weeraray Madaxweynaha Zimbabweoo Si Toos Ah loo duubay

Qarax ayaa laga maqlay goob uu ka socday isu soo bax olole doorasho ah oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa magaalada Bulawayo.

Warbaahinta ayaa soo tabineysa in Madaxweynaha aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxa, isla markaana si degdeg ah looga saaray garoonka White City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa.

Qaraxa ayaa dhacay xili Madaxweynaha Zimbabwe uu ka soo baxayey goobta uu dadka kula hadlay. waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

Mnangagwa ayaa talada dalka la wareegay bishii November ee sanadkii hore, kaddib xukunka ka degay Robert Mugabe oo muddo soo xukumayay dalkaas 30-ka bisha July ayaa la filayaa inay ka dhacdo Zimbabwe doorasho.

.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.