wararka inaga soo gaaraya Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, Rag hubeysan ayaa barkhanimadii maanta waxa ay gudaha suuqaasi ku dileen nin Dawaarle ama xarqaanle ahaa.
Goobjoogayaal ayaa Shabakada Dayniile u sheegay laba dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa in marka hore ay tageen dukaan yar oo marxuumka la dilay uu ku lahaa gudaha suuqa iyaga oo iska dhigayay dad wax iibsanaya kadibna waxa ay qeybta sare ee jirkiisa kala dhaceen rasaas.
Daqiiqado kadib ayaa ninkii waxaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka, balse inta aanu la gaarsiin ayuu ku geeriyooday wadada, raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, maadaama dantii ay lahaayeen gaareen.
Warar madax banaan ayaa sheegaya sababta loo beegsaday ninkan in ay tahay wiil uu dhalay oo ka tirsan saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
“Walaal waxaan kuu xaqiijinaa in barkhanimadii maanta gudaha Suuqa Siinaay lagu dilay nin ka tirsanaa dadka deegaanka oo xarqaanle ahaa, dhalinyaro hubeysan ayaa dishay, ma naqaano sababta loo dilay, laakiin waxaa la sheegay in wiilkisa uu yahay sarkaal ciidan.” Ayay tiri gabar ka tirsan dadka deegaanka oo dayniile u waranay.
Laamaha ammaanka dowladda federaalka ayaa sidii caadada aheyd tagay goobta mnarkii ay baxsadeen raggii dilka geystay, waxayna halkaasi ka bilaabeen baaritaanada la xiriira dilkan dhacay iyo sidii looga daba tagi lahaa dableyda.
Warar ka imaanaya Jubalaand ayaa sheegaya in la dilay Ganacsade Cabdinasir Cabdi Cusman (galasawe) dilkaas ayaa Looga shakisan yahay Ciidamada Nabadsugida Jubaland goor sii horeysay si arxan daro ah nafta kaga jaray Koronto iyo Biyaha Bada, Meydka marxuumka oo laga helay agagarka Xeebta Ceel Caafimaad kuna dhagan Xeebta Kiboora ayaa la geeyey Isbitaalka guud ee Magalada Kismayo.
Marxuum Cabdinasir Cabdi Cusman (Qabowsade) waxaana uu ahaa dadka Deganka xiliga la qabsanayay Marxuumka wuxuu ka mid ahaa waardiyaha Hotel Kismaayo ilaa iyo hada waxaan samrin Hooyadii dhashay wiilkan oo lagu magacaabo Caasho Cabdi Cali iyo Walaalihi iyo Qaraabadiisa waxana la ii sheegey in qoyska uu ka dhashay marxuumka ay u dacwoodeen Madaxweynaha Jubbaland ka dibna ay ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyey dilka wiilkooda balse nasiib wanag waxa uu ku qanciyey in mag dhow laga siin doono.
Meer meerin iyo Balan beenaad badan ka dib waxaa booska ka baxay magtii Marxuum Cabdinasir Cabdi Cusman oo si bahalnimo iyo Cawaanimo ah arxan la’aan ugu dileen Ciidanka Nabadsugida Jubaland waliba waagaas ciidankan dilay Marxuumkan waxa Taliye Horin u ahaa nin lagu Magacaabo Mafoofe.
Siakstbaha ha ahaate Maamulka jubalaand ayaa wali wax war ah kasoo saarin Dilka Cida Ku lug leh halka dadka ay sheegayaan in si arxan daro ah ay u dileen Marxuumka Ciidanka Nabad sugida ku sagan Kismayo ee Madaxweynaha u yahay Axmed Madoobe.
Shalay oo ugu dambeysay waxaa koox hubeysan ay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya, kaasi oo dilka kadib laga qaatay qorigii uu watay.