Cabdalla Maxamuud Heybe Cagalule Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee dalka ka jirta ay weli ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool arrimahaasna ay Masuul ka yihiin Maamulka Soomaaliland.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Satate ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in lagu gacansiiyo sidii la isaga dulqaadi lahaa dhibaatooyinka Soomaaliland ay ka wadaan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
“ Ma jiro Urur Argagixiso ah oo himiladiisu tahay in Somalia uu kala gooyo, marka laga reebo maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cabdalla Maxamuud Heybe Cagalule.
Si kastaba deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ka alooan Xiisad xoogan oo u dhexeysa maamullada Puntland iyo Somaliland taas oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku barakaceen.