Home Afsomali Magacayada Saraakiishii iyo Mas’uuliintii Lagu Dilay Qaraxyadii W-Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo...

Magacayada Saraakiishii iyo Mas’uuliintii Lagu Dilay Qaraxyadii W-Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo Wasiir Xilkii laga qaaday

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa xilkii looga qaaday Wasiirka wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wareegtada ayaa lagu cadeeyay in xilkii laga qaaday wasiir Xasan Macalin Xuseen waxaana lagu badalay masuul cusub sida lagu sheegay Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Kheyrre.

Xarakadda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay magacyadda Mas’uuliyiintii iyo Saraakiishii lagu dilay weerarkii Sabtidii lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

dhanka kale Magacayada Saraakiishii iyo Mas’uuliintii Lagu Dilay Qaraxyadii W-Arrimaha Gudaha iyo Amniga

Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay 34-ruux oo isuguu jirey Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadda Dowladdda Soomaliya.

 

1-Maxamed Axmad (ilkacase) oo ahaa xog-heynta wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka Wuxuu ku  dhintay weerarka.

 

2-Liibaan Cusmaan, wuxuu ahaa Agaasimaha xiriirka gobolada ee wazaaradda Amniga dowladda Federaalka, isaguna waa ku dhintay weerarka

 

3-General Siyaad, wuxuu ahaa agaasimaha waaxda waxa loogu yeero “ladagaalanka Argagaxisada” wuxuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarka.

 

4-Sarkaalkan waa Camiil u shaqeeya CIA-da Mareykanka oo ka mid ah hay’adaha sirdoonka dowladda Soomaaliya, Wuxuu horay ugu dhaawacmay howlgal toogasho ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku beegsadeen gaari uu watay.

 

5-Cabdullaahi Siyaad oo isaga ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka wuxuu ahaa agaasimaha waaxda siyaasadda iyo sharciga oo hoostagta wazaaradda arimaha gudaha.

 

6-Axmad Yare oo ahaa xogheynta waziirka amniga ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray agaasimihii maamuka maaliyadda ee wasaaradda arimaha gudaha oo magaciisa lagu soo koobay Cumar,Saddex Sarkaal oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ayaa sidoo kale ka mid ahaa xubnaha ku dhintay  howlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.