Dalka Soomaaliya waxaa ku soo badanaya mashaariicda kala duwan oo siyaabo kala loogu urursanayo lacago deeq ah, taasi oo dadka qaarkii u fasirteen inay tahay mid dano gaar ah laga leeyahay iyadoo loo adeegsanaayo magacyo kala duwan.
Mashruuca FursadFund oo ka mid ah mashruucyada looga dhawaaqay magaalada Muqdisho isla markaana asaasayaashooda ay ka mid yihiin xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda xilligeedu dhammaaday, taageerana ka heysta hay’adda culimada oo Guddoomiyaheeda Sheekh Bashiir Axmed Salaad uu ka mid yahay.
FursadFund oo kooxda asaastay ay ku sheegeen inuu yahay mid shacabka Soomaaliyeed lagu gargaarayo isla markaana ay ku sameysanayaan ganacsiyo yaryar iyagoo dib ka soo celinaya lacagtii la siiyay ayaa waxaa maalmahaan soo food saaray culeysyo aan caadi ahayn kaddib markii abaartii ugu darneyd in muddo ah ay ku dhufatay Koonfurta, Waqooyiga iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Abaarahaan oo saameynta ugu weyn ku yeeshay dadka ku dhaqan gobolada dalka ayaa galaaftay nolosha malaayiin qof oo isugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah, iyadoo baaqyada ka soo baxayay maamulada ka taliya dalka qaarkood sameeyeen dibadbaxyo roob doon ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in dalalka caalamka ay soo farageliyaan Soomaaliya, isagoona sheegay in abaaraha ka jira ay xadka dhaafeen isla markaana xilliga adag ee lagu jiro loo baahan yahay gurmad caalami ah.
Kooxda FursadFund ayaa dhowaan magaalada Muqdisho munaasabad ay ku qabatay waxay ku sheegtay in howlihii ay soo qabteen guulo wax ku ool ah laga gaaray, iyagoona soo bandhigaya dhallinyaro iyo haween ay ku sameeyeen maalgashi oo suuqa ku ganacsanaya.
Qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ayaa bilaabay inay gurmad biyo dhaamin ah ka bilaabaan gobolada dalka qaarkood, iyadoo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, Jubbooyinka dhaqaale ay iska soo ururiyeen jaaliyadahooda degaanadaasi ay ku gaarsiiyeen meelaha ugu daran ee ay abaaraha ka jiraan.
Arrintu si kastaba ha ahaatee mashruuca FursadFund oo bilowga asaaskiisa ayaa dadka Muqdisho si weyn uga shakiyeen, iyagoona kala saari waayay inuu yahay mid ka mid ah hay’adaha ay dowladdu maamusho iyo inuu yahay mid madax bannaan oo ka damqanaya dhibaatada raagtay ee heysata dadka gudaha ku nool ka soo gaartay 25-kii sano ee uu dalku burbursanaa.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0