Home Afsomali VIDEO Somalia and Eritrea agree on ambassadors and opening embassies in two...

VIDEO Somalia and Eritrea agree on ambassadors and opening embassies in two countries

Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku heshiiyay inay is weydaarsadaan Safiiro iyo in Caasimadaha labada dal laga furo Safaarado, kaddib wada hadalo ay xalay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Amara Madaxweynayaasha labada dal.

Wada hadaladii u horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka labada dal, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan la isku weydaarsado Danjirayaal iyo safaarado labada dal laga furo.

“Booqashada taariikhiga ah ee Madaxweyne Farmaajo ku joogo Asmara wuxuu ku turjumayaa Madaxweynaha oo dareensan xiriirka labada shacab iyo dhaq dhaqaaqyada ka jira Gobolka oo meelo badan naga taabanaya”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen taariikhda sooyaalka ee Gobolka ka jira.

Waxaa la fialyaa in warmurtiyeed laga soo saaro wada hadalada labada Madaxweyne dhex maray.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta booqanaya goobo taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Asmara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.