Home Afsomali Full VIDEO Asli Hassan, a pillar of Mogadishu and its vision in...

Full VIDEO Asli Hassan, a pillar of Mogadishu and its vision in Mogadishu Duuliye Asli Xasan cabaade iyo aragtideeda Muqdisho

Gabadhii  ugu horeyasay ee Somaliyeed oo diyaarad hawada galisa oo dalka dib ugu soo laabatay ayaa ka warbixisay safarkeeda Muqdisho

Duuliye Asli Xasan Cabade ( Asli Calansida ) oo gabadhii ugu horeysay ee soomaaliyeed oo duuliye Noqotay ayaa dalka Dib ugu soo laabatay

waxayna TV ga Star Xaruntiisa Muqdisho uga warbixsay aragtiga magaalada ay ka qabtay iyo sida ay ku aragtay oo ay sheegtay in wax weyn iska badaleen isla markaana ay ku faraxsan tahay horumarka iyo nadabada ay ku aragtay Muqdisho

asli ayaa sheegtay in ujeedka ugu weyn ee safarkeedu yahay taakuleynta iyo wacyi galinta ciidamada Qalabka sida ee Soomaliyeed

duuliye asli Ayaa jaaliyadaha Somaliyeed ugu baaqday in ay ka qeybqaataan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka oo ay maalgashadaan

ugu danbeyntiina waxaa ay hambalyo iyo salaan hawada u marisay duuliyayaasha ciidamada cirka Somaliyeed oo ay ka tirsanaan jirtay

dhamaan bulshada ayaa ugu faanta dalalka kale ee Africa soona hadal qaada in ay asli tahay gabadhii ugu horeysay ee somaliyeed oo diyaarad duulisay

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.