Home Afsomali Mugadishu Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Saybiyaano ilaa Suuqa beerta Jaadka...

Mugadishu Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Saybiyaano ilaa Suuqa beerta Jaadka ayaa dhaliyey qasaaro iskuugu jira dhaawac iyo dhimasho ciidan iyo shacab leh

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in ciidamada amaanka goordhaw meel ku dhaw daarta Saybiyaano ee degmada Hodan ku toogteen rag hubeesan oo gaari la socday .

Ciidamo aad u badan ayaa hada ku sugan Saybiyaano ilaa Suuqa beerta Jaadka , waxaana halkaasi yaala meydadka labo nin ay ciidamada amaanka toogteen iyo gaari nuuca raaxada ah ay ragaasi wateen,

Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay Laamiga gaar ahaan afaafka hore Suuqa lagu gado Caanaha ee ku dhaw Saybiyaano, waxaana gabi ahaan la xiray laamiga isku xira Isgooska Banaadir iyo Isgooska Ex-control Afgooye.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan khasaaro kale oo ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay daarta Saybiyaano, waxaana wararku sheegayana in dad shacab ah  iyo askar ay waxyeelo soo gaartay.

Saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa gaaray halka ay yaalaan meydadka raga la dilay iyo gaariga laga shakisan yahay, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.