Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.
oo ahaa Kaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadir isla markaana lagu eedeeyey arimo ku aadan qaadasho lacago Laaluush ah
Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.