Home Afsomali Wasaaradda Wasaarada Ganacsiga warshadaha Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo kulan looga...

Wasaaradda Wasaarada Ganacsiga warshadaha Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo kulan looga arinsanayey Dhaqaalaha iyo ganacsiga la qaatay Safiirka Turkey Olgan Bekar

 

 

 

Wasaaradda Wasaarada Ganacsiga warshadaha iyo Rugta Ganacsiga ayaa la kulmay Safiirka Turkey His Excellency Olgan Bekar oo kala hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta Xiriirka Ganacsi ee labada dalka, sidii suuqyada Turkey loogu furi lahaa wax soo saarka Soomaaliya sida Kaluunka, Mooska, Liin dhanaanta, Sisimta, arinta PGM iyo arimo kale

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya Olgan Bekar.

Wasiir Maareeye ayaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xoojinta Xiriirka Ganacsi ee Labada dal, sidii suuqyada Turkey loogu furi lahaa wax-soo-saarka Soomaaliya sida Kalluunka, Mooska, Liin dhannaanta, Sisimta,  oo hore heshiis looga gaaray hadana la doonayo sidii loo bilaabi lahaa shaqada arinta PGM iyo arimo kale.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay magaalada Ankara ugu gaaray Heshiis Ganacsi iyo Dhaqan,kaasi oo xoogga saaraya sidii Turkiga wax kaga iibsan lahaa Soomaaliya sida Mooska,Liinta la qalajiyey,sisimta iyo Kalluunka.

Waxaa kaloo heshiiskaasi dhiniciisa dhaqan ka faa’ideysanaya Fannaaniinta,Ardayda Jaamacadaha iyo Wariyeyaasha,iyadoo xarumo qaabilsan dhaqanka laga kala furi doono Soomaaliya iyo Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.