Home Afsomali Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa Magaaladda...

Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir ayaa Magaaladda Nairobi kula kulmay dhigiisa Kenya Mr. Peter G. Munya, (DAAWO SAWIRADA)

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa Magaaladda Nairobi kula kulmay dhigiisa Wasiirka Kenya Mr. Peter G. Munya, waxay ku heshiiyeen

(1) in la hirgeliyo Heshiiskii Wadaaga Ganacsiga ee labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen 29 November 2017 (2) In la dheelitiro Ganacsiga labada Wadan

(3) In Soomaliya laga caawiyo sidii ay Ganacsi xor ah ula yeelan lahayd Wadamada ku mideysan EAC iyo COMESA

In la hirgeliyo Heshiiskii Wadaaga Ganacsiga ee labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen 29 November 2017

4- In Diyaaradaha Qaadka geeya Soomaaliya la soo saaro kaluun iyo in labada Wasaaradood iska kaashadaan dhinaca Farsamada iyo Shuruucda

Soomaaliya ayaa Bishii July ee Sanadkan ku biirtay Suuqa ganacsiga xorta ah ee Bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika ee loo yaqaan COMESA, waxanay hir gelinta heshiisyadan lala galay Kenya dhabbaha u xaarayaan inuu soo kabto dhaqaalaha Dalka oo muddo hooseeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.