Home Afsomali Ganacsade hindi ah oo shaati ku soo iibsaday $214,000 (Laba boqol toban...

Ganacsade hindi ah oo shaati ku soo iibsaday $214,000 (Laba boqol toban iyo afar kun oo dollar).

 

Wargeyska The-independent ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warbixin uu ka qoray ninka ugu shaatiga qaalisan caalamka.

Mr. Pankaj Parakh oo ah siyaasi iyo ganacsade ku nool magaalada Yeola ee dalka #India ayaa dhalashadiisii 45-aad usoo xirtay shaati ka sameysan dahab saafi ah oo uu miizaankiisu yahay 4 kiiloogaraam, qiimihiisuna ku kacay $214,000(Laba boqol toban iyo afar kun oo dollar).

Koox ka kooban 19 qofood oo ay ku qaadatay labo bilood ayaa naqshadeysay shaatigaan, wuxuuna Mr. Panjak sameystay 4-Wiil oo ilaalo ah oo ku dhinac-ordeyso marka uu socdo, si ay tuugada uga ilaaliyaan masuulkaan dahabiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.