Home Afsomali Taaladii Erdogan ee dahabka ka samaysan oo la raratay ka dib gacan...

Taaladii Erdogan ee dahabka ka samaysan oo la raratay ka dib gacan ka hadal dhacay

Magaalada Weisbaden ee dalka Jarmalka ayaa halkii uu yaallay ka qaadday taallada dahabka ka samaysan ee Madaxweynaha Turkiga oo dhererkeedu yahay 4 Mitir, ka dib markii lagu qoray hadal aflagaaddo ah oo ah “Hitlerkii Turkiga”.

Taalladaas oo ah sanam loo ekeysiiyey Recep Tayyip Erdogan ayaa la dhigay barxad magaalada ku taalla, waxayna arrintaas qayb ka ahayd xaflad labadii sanaba mar lagu qabto magaalada.

Abaabulayaasha ayaa sheegay inay filayeen in ay dhalin doonto arrintaasi dood xiriir la yeelanaysa hal-ku-dhegga sannadkan ee ah “akhbaar xun”.

Taa beddelkeeda waxay keentay in iska hor imaad uu dhex maro taageerayaasha iyo qolyaha dhaliila Mr Erdogan, waxayna shaqaalaha dab damiska rareen taallada habeennimadii Talaadada.

Oliver Franz oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada ayaa u sheegay wargayska Wiesbadener Kurier in hadallo caro leh oo la is dhaafsaday ay u xuub siibteen dagaal gacanta la isula tegey, “waxaana la arkay hub afaysan” ayuu yiri.

“Ka dib markii ay Booliska is af garteen, ayuu duqa magaalada, Sven Gerich, wuxuu go’aamiyey in sanamka taallada ah la raro, maadaama aan amniga la damaanad qaadi karin”, sidaas waxaa Twitter ku qoray dawladda magaalada.

Jarmalka waxaa ku nool tiro badan oo ah Turkida laga tirada badan yahay, kuwaasoo aragtiyo kala duwan ka qaba Mr Erdogan.

Qaarkood waxay taageersan yihiin fikradihiisa qarannimada ku dhisan, halka qaar kalena ay ku eedeeyaan kali talisnimo.

Xiriirka Turkiga iyo Jarmalka ayaa ahaa mid aan wanaagsanayn sannadihii u dambeeyey, wuxuuna aad u sii darsaday Maarso 2017, markaasoo uu Mr Erdogan la barbar dhigay Saraakiisha Jarmalka Naasiyiintii.

Aflagaadadaas ayaa timid ka dib markii maamulayaasha Jarmalku ay joojiyeen isu soo bax la doonayey in loo qabto Turkiyiinta ku nool Jarmalka, ka hor aftidii ka dhacday Turkiga.

Bishii Agoosto ee isla sannadkaas, bil ka hor doorashadii guud ee Jarmalka, Mr Erdogan wuxuu ugu yeeray siyaasiyiinta dalka hogaamiya “cadawga Turkiga”, kuwaasoo mudan in dadka codaynaya ay iska diidaan. Hadalkiisa waxaa cambaareeyey wasiirro ka tirsan xukuumadda Jarmalka.

Farshaxaniistayaasha sanamkan taallada ah sameeyey waxay sheegeen in ay doonayeen in ay abuuraan oo kaliya dood dadweyne.

“Dimoqaraadiyadda markaan eegno, waa in aan isu keenno nooc walba oo fikrad ah” sidaa waxaa yiri madaxa Tiyaatarka Wiesbaden, Eric Laufenberg.

Mr Erdogan waxaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago Berlin dabayaaqada Siteembar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.