Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) .
Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Waxaa diiradda lagu saaray kulanka sidii loo xoojin lahaa isbedallada ka socda geeska Afrika.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.