Home Afsomali Madaxdii puntland ugu sareysay oo madaxtooyada garawe iskuugu gacan qaaday

Madaxdii puntland ugu sareysay oo madaxtooyada garawe iskuugu gacan qaaday

Cali gacal casir mooshiin cameyna feer mirihii ka soo baxay shirkii kismaayo

warbaahints  ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ay isugu gacan qaadeen gudaha madaxtooyada maamulkaas.

Arrintan oo mananta ah midda ugu hadal haynta badan Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland, ayaa ku soo aadeysa xilli labada mas’uul ay aad ugu kala fogaadeen shikii Kismaayo oo ay dowlad gobolleedyadu wadashaqeyntii dowladda dhexe ugu hakiyen.

Ilo ka ag dhaw xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku maan dhaafeen xafiiska madaxweynaha, xilli Gaas uu su’aalo ka weydiiyey ku xigeenkiisa lacago uu kala baxay Bankiga markii uu bishii hore aaday magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee, Camey oo ka jawaabaya lacagta lagu eedeeyey ee uu kala baxay Bankiga dhexe ee Puntland ayuu ugu jawaabay “Yaa ku xisaabiya adiga?”, Isla markiiba waxaa ka xumaaday hadalkii labadooda waxa ayna is dhaafsadeen hadallo kul kul oo keetay in Camey istaago gacanna la aado Gaas.

Waxaa labada mas’uul soo kala dhex-galay dadkii goobta ku sugnaa, oo u badnaa shaqaalahooda.<br>

Lacagta badan ee uu Gaas ku eedeeyey in Camey kala baxay Bangiga dhexe ee Puntland waxa ay imaaneysaa xilli uu Camey muddo ku sugnaa Muqdisho, isaga oo markii uu ka soo laabtay shir jaaa’id oo uu Garowe ku qabtay ku sheegay in uu Caasimadda Soomaaliya u aaday arrimo caafimaad iyo dhul uu ku lahaa magaalada.

Dhinaca kale, Camey waxa uu ka soo horjeestay mawqifka Gaas ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray, waxaana aad baraha bulshada ugu baahay sawir ay isku salaamayaan garoonka diyaaradaha ee Garowe, balse muujinaya heerka uu khilaafkoodu gaarsiisan yahay.

Camey ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay dowladda federaalka, hase yeeshee Gaas Ayaan wax ka qabin karin, xilkana ka qaadi karin maadaama Camey si gooni ah loo soo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.