Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle ayaa Heshiis ka gaaray Khilaafki Udhaxeeyay.
Waare oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle
Madaxweyne Waare ayaa uu ugu baaqay dowladda federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada kale ee weli khilaafka uu kala dhaxeeyo.
In kasta oo Waare uusan sheegin inuu ka baxay isbaheysiga madax goboleedyada, haddana tallaabada uu kula heshiiyey dowladda dhexe ayaa dhabarjab weyn ku ah, waxaana ilo-wareedyo ku dhow isbaheysiga ay sheegeen inay aad uga carrodeen go’aankiisa.
Go’aanka Waare, ayaa imanaya kadib toddobaad wada-hadallo hoose ay u socdeen isaga iyo dowladda dhexe, wada-hadalladan oo la rumeysan yahay inuu gadaal ka riixayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Heshiiska dowladda ay la gaartay Waare ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay ku kala furfurto isbaheysiga dowla goboleedyada, taaasi oo ka saacidi karta sidii madaxdooda loogu beddeli lahaa kuwa raacsan dowladda.
Wadahadal dhex maray Madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabelle oo uu hogaaminaayay Madaxweynaha Maamulkaasi Maxamad Cabdi waare ayaa lagu sheegay in ay dib ubilaaban doonto wadashaqeynti udhaxeysay labada dhinac.