Home Afsomali Sacuudiga oo hirgaliyey Qad tareen oo isaga gooshaya magaalooyinka Barakeysan ee maka...

Sacuudiga oo hirgaliyey Qad tareen oo isaga gooshaya magaalooyinka Barakeysan ee maka iyo madiina

Boqorka Sucuudiga ayaa  xariga ka jaray tareen dheereeyo oo casri ah oo ka howlgali doono labada magaalo ee bareykan ee Maka iyo Madiina.

Dhisitaanka khadka tareenka waxaa ku kacay 6.7 bilyan oo doolar.

Khadkan tareenka ayaa sacaaddiiba jari doonaa 300 kilomitar

Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in tareenka uu qaadii doono sannadkiiba 60 miliyan oo rakaab ah isla markaasna uu fududayn doono saxmadda ay la kulmaan xujayda min Maka ilaa Madiina.

Waxaana la filaya inuu si rasmi ah u howlgalo Isniinta nagu soo aadan. Wasiirka gaadiidka dalka Sucuudiga Nabil Al-Camuud ayaa sheegay in sacaado yar loo qaadan doono waddada isku xirta Maka iyo Madina. Wuxuuna sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay u adeegidda shacabka muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.