Home Afsomali 259 oo dhintay iyagoo ku dadaalaya iney sawir fiican iska qaadaan

259 oo dhintay iyagoo ku dadaalaya iney sawir fiican iska qaadaan

Cawaaqibta ka dhalata sawirrada la iska qaado ee xad dhaafka ah ayaa sababay dhimashada 259 ruux intii u dhaxeysay sannadihii 2011-kii ilaa 2017-kii, sida lagu xusay daraasad la sameeyay sannadkan 2018-ka.

Cilmi baareyaasha maktabadda qaran ee caafimaadka ee dalka Mareykanka ayaa ku taliyay in la sameeyo meelo ka caaggan in la isku sawir

Meelahan waxaa ka mid noqon doona dusha sare ee buuraha, guryaha dhaadheer iyo harooyinka, kuwaasoo ah meelaha ay dhimashooyinka ugu badan ka dhaceen.

Ku hafashada biyaha, shilalka gaadiidka iyo ka dhicitaanka meelaha sar-sare ayaa noqday kuwa sababay dhimashooyinka ugu badan ee ay la kulmeen dadka taleefannadooda u isticmaala iney isku sawiraan.

Bishii Luulyo ee sannadkan, wiil 19 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Gavin Zimmerman ayaa geeriyooday ka dib markii uu ka soo dhacay Gebi dheer oo ku yaalla gobolka New South Wales ee dalka Australia, xilli uu sawir shakhsi ah iska qaadayay.

Tomer Frankfurter ayaa isagana bishii Siteembar xilli uu isku dayayay inuu sawir iska qaado ku dhintay beerta xayawaanaadka lagu xannaaneeyo ee Yosemite oo ku taalla gobolka California, ka dib markii uu ka soo dhacay Gebi dhirirkiisu la egyahay 250 mitir.

Wararka noocaan ah ee la soo tabiyay ayaa loo adeegsaday daraasadda laga soo saaray halista dhimasho ee ka timaadda sawirrada.

Khubarada ayaa ogaaday in dhimashada ay sababaan sawirrada ay inteeda badan ka dhacdo dalalka Hindia, Ruushka, Mareykanka iyo Baakistaan.

Boqolkiiba toddobaatan (70%) ka mid ah dadka geeriyooday iyagoo sawir iska qaadaya ayaa ah rag, sida ay daraasaddu muujisay.

Horay ayaa cilmi baaris lagu sameeyay arrintaan lagu shaaciyay bogagga Wikipedia iyo Twitter-ka, in kastoo cilmi baareyaasha ay sheegeen ineysan macluumaadkaasi ahayn kuwo la isku halleyn karo.

Daraasaddan cusub ayaa sidoo kale muujineysa in tirada dadka u dhinta sawirka awgiis ay aad u sii badaneyso.

Sannadkii 2011-kii waxaa la soo tabiyay 3 kiis oo dhimasho ah oo la xiriira sawirrada shakhsiga, balse tiradaas ayaa sannadkii 2016-kii kor ugu kacday 98 halka sannadkii 2017-kii ay noqotay 93.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi baareyaasha ayaa sheegay in tirada saxda ah ee dhimashada ka dhalata sawir qaadista ay noqon karto mid intaas ka badan, maadaama aan waligeed horay loogu aqoonsannin sawirradu iney yihiin mid ka mid ah waxyaabaha ugu daran ee sababa geerida.

“Waxaa la aaminsan yahay in dhimashada ka timaadda sawirrada shaksiga ay yihiin kuwo aan si joogto ah loo soo tabinin, dhibka saxda ahna wuxuu u baahanyahay in xal loo helo”, ayaa lagu yiri daraasadda.

“Shilal la ogyahay oo waddooyinka uga dhacay sababo la xiriira sawir qaadista ayaa loo tabiyay iney yihiin shilal caadi ah oo qeyb ka ah kuwa gaadiidka.

“Sidaas awgeed, qiyaasta saxda ah ee dhibaatada ka dhalatay arrintaan lama garan karo, waxaana muhiim ah in la helo qasaaraha dhabta ah, sababta keentay iyo waxyaabaha horseeda iney dhimasho ka timaado sawirrada la iska qaado, si markaas ay u suurta gasho in fara gelin lagu sameeyo”.

Hase ahaatee waxyeellada ay sababaan xayawaannada, korontada, dabka iyo hubka ayaa sidoo kale kaalin weyn uga jira dhimashooyinka laga soo tabiyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee caalamka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.