Home Afsomali Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka...

Kulan ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka oo Muqdisho ka dhacay

IMG 1710

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa qabatay kulan dood wadaag ah oo ku saabsan isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, kulanka waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

IMG 1656

Wasiirka Arimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka furay ayaa sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso in dadweynaha ra’yigooda ay ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

IMG 1663

“Wasaaradda waxay aas-aastay Madasha ka qeybgalka Dadweynaha taasoo marba looga doodo arrimaha taagan ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka. Maanta waxaa miiska noo saran isla jaanqaadida dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaan soo dhaweyneynaa aragtiyada iyo su’aalaha ay qaabaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka.

IMG 1685

Ka qeybgalayaashii kulanka ayaa soo jeediyeen aragtiyo iyo su’aallo ku saabsanaa dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashoooyinka, waxaana su’aalahaas si wadajir ah uga jawaabay Wasiir Cabdi Xoosh, Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan, La-taliyaha Madaxaweynaha Maxamed Cabdirisaaq iyo La-taliyaha Ra’iisulwasaaraha Avv Cumar Dhageey.

 

IMG 1681

IMG 1710
IMG 1672

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sii wadi doonta qabashada kulamada noocan oo kale ah ee dadweynaha ay fikradooda uga dhiibanayaan arrimaha masiiriga ah ee quseeya dib-u-eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.