Ra’iisulwsaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso. Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.
|