Home Afsomali Wiil duleedka Gaal-kacyo ku dilay nin hooyadii masaafeystay la mid ma...

Wiil duleedka Gaal-kacyo ku dilay nin hooyadii masaafeystay la mid ma tahay arintii axmed dowlo

NIN ADEERKII DILAY KADIB MARKII UU MASAAFEEYSTAY HOOYADII GOBOLKA MUDUG

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday xalay duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wiil ayaa dil u geeystay adeerkii qabay hooyadii kadib markii adeerka uu masaafeeystay hooyadii.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Laanbaar oo dhaca duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Gal-Mudug.

Ninka falka dilka ah geeystay ayaa ka hor inta aanu dilin adeerkii ugu yeeray martiqaad kadib martiqaadkana uu dilay.

marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoore waxaana uu kamid ahaa odoyaasha deegaankaasi.

Sababta uu wiilkaasi adeerkiis hooyadii qabay u dilay ayaa lagu sheegay in uu ka xumaaday masaafada uu adeerkiis masaafeeystay hooyadiis.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.