Ka Gudiga dhismaha wadooyinka
Og :Ku: Waaxda dib u dhiska wadooyinka
og : Shirkadda Kulmiye constractions
Og: Guddiga Gaadiidleyda ee Lixda shirkadood
Og :Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Gobolka banaadir
Og : Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed
Og : Duqa magaalada Muqdisho Ahna Gudoomiyaha Gobolka banaadir
Og : wasaaradda gaadiidka Dowladda fadaraalka Soomaaliya
Og : Xafiiska Raiisal wasaaraha
Ujeedo : Mahadnaq iyo Wargalin
walaalayaal sida aad la socotaanba gudiga dhismaha waddooyinku wuxuu Shaqo ka bilaabay dhammaadkii sanadkii 2015kii ‘wuxuna ka dhasjay talo wadaag ka yimid dhinmacyada kala duwan ee ganacsatada gobolka banaadir iyo shirkadaha gaadiidka ‘
Ujeedka guddiguna waxaay ku koobneyd dib u dhiska wadooyinka ‘waxaana la isku ogolaaday lacag ceymin ah oo ay kala bixinayaan ganacsiga iyo gaadiidleyda ‘masuuliyadda in howshaasi meesha loogau talo galay martana waxaa loo igmaday gudiga dib u dhiska wadooyinka .ilaa waqtigaasna wuxuu guddigu qabtay shaqo aad muhiim u ah ‘waxaana la dhisay woddooyinka kala ah
-
waddada buulo xuubey
-
waddada sayidka
-
waddada wadnaha
-
waddada dabka
-
waddada kaaraan
-
waddada sodonka