Home Afsomali War cusub Waan ciqaabaynaa dadkii dilay wariye Jamal Khashoggi

War cusub Waan ciqaabaynaa dadkii dilay wariye Jamal Khashoggi

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa ballan qaaday in la ciqaabi doono “Dambiileyaashii” masuulka ka ahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi ee Turkiga lagu dilay.

Asagoo ka hadlayey madasha ganacsiga ee ka dhacaysa Riyadh, Mohammed bin Salman ayaa yiri “Fal dambiyeedkaas waxa uu xanuun ku ahaa dhammaan dadka reer Sacuudi” mana noqo doono mid aan ku kala tagno Turkiga.

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa horay u beeniyey eedaymaha sheegaya in Dhaxal Sugaha laftiisu uu kaalin ku lahaa dilka.

Khashoggi ayaa 2-dii October booqasho ku tagay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Dawladda Sacuudiga ayaa dilka ku eedaysay koox dilaa ah oo arxan daran.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegaya in saxafigaas lagu dilay qorshe si feejigan ay u soo abaabuleen saraakiisha sirdoonka Sacuudiga iyo saraakiil kale wuxuuna ku tilmaamay “dil siyaasadeed.”

Muxuu yiri Dhaxal Suguhu?

Waa markii ugu horraysay ee uu si rasmi ah uga hadlo arrintan tan iyo markii Sacuudigu uu qirtay in Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda.

Waxa uu sheegay in dilku uu ahaa “Dambi bahalnimo ah oo aan marmarsiiyo loo raadin Karin” wuxuuna ballan qaaday in “Kuwii ka dambeeyey fal dambiyeedkaas lala xisaabtami doono … ugu dambayntana caddaalada la hor keeni doono”

Waxa uu sheegay in Turkiga ay wadashaqayn wanaagsan lahaayeen, asagoo intaas ku daray: “Dad badan ayaa iskudayaya in ay ka faaidaystaan xaaladdan xanuunka badan si ay ukala geeyaan Sacuudiga iyo Turkiga. Waxaan doonayaa inaan farriin u diro: Waligiin ma awoodi doontaan in aad sidaas yeeshaan.

Shirkan oo saddex maalmood soconaya oo loo bixiyey ” Hindisaha maalgashiga mustaqbalka” laguna magacaabo “”Davos in the desert”, ayaa muhuum u ah Sacuudiyiinta balse waxaa mar horeba qaaddacay qaar badan oo kamid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo siyaasadda ee reer Galbeedka wixii ka dambeeyey arrintii Khashoggi.

Dhaxal Sugaha Sacuudiga ayaa la kulmay wiilka Khashogg, ee Salah.

Sacuudiyiinta ayaa isku dayey in madasha shirka ay u ekaysiiyaan mid sidii lagu waday u dhacday, inkastoo wasiirka Tamarta Sacuudiga Khalid al-Falih uu qiray Talaadadii in ay jirto xiisad ka dhalatay arrintii Khashoggi oo ay shirka saamayn ku yeelatay.

Dhaxal Sugaha ayaa Talaadadii soo muuqday balse wax badan ma aanu oran.

Waxa uu ka qayb galay booqasho uu aabbihiis, Boqor Salmaan ugu tagay xubno kamid ah qoyskii Khashoggi.

Mohammed bin Salman horay ma uga hadlay arrintan?

Waxa uu waraysi siiyey Bloomberg,waxaana la daabacay 5-tii October, saddex cisho kadib booqashadii qunsuliyadda.

Waraysigaas ayuu ku sheegay “Inuu maqlay uun warar suqeed ku saabsan waxa dhacay”

Waxa uu intaas ku daray: “Sidaan maqlay wuxuu galay qunsulliyadda wuuna ka baxay dhowr sadiiqo kadib ama hal saacad. Mana hubo.”

Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa sheegay in ay xukuumadda Turkiga u oggolaanayaan in ay baadhitaan ku samayso dhismaha “Majirto wax aan qarinayno” ayu yiri.

Maxaa ugu dambeeyey baadhitaankii?

Arrinta ugu wayni waa maydkii, kaas oo aan wali la hayn wax astaan ah.

Halka ugu dambaysay ee diiradda la saaro ayaa u muuqata in uu yahay ceel kuyaal beer ku dhextaal dhismaha qunsuliyadda Sacuudiga.

Intii uu baadhitaanku socday waxaa jira warar is khilaafsan oo soo baxay. Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa markii hore sheegtya in Sacuudiyiintu ay diideen in ay fasax u siiyaan in la baaro, isla TV-ga qaranka Turkiga ayaa haddana sheegay in fasax la siiyey.

Talaadadii waxaa soo baxay warar isla kuwaas lamid ah oo is khilaafsan oo ku saabsan in alaabo uu lahaa Khashoggi laga helay boorso ku dhex jirtay gaari diblumaasi oo Sacuudiga laga leeyahy.

Mr Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu hayo caddaymo xooggan oo ku aaddan in saxafigaas lagu dilay shirqool bareer ah wuxuuna ku baaqay in dadka dilkaas lagu tuhunsan yahay lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.