Home Afsomali Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan...

Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabadda dhaqan gelinta heshiiska nabadda dalka Koonfurta Suudaan (DAAWO SAWIRADA)

 

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaas.

 

IMG-20181031-WA0055
IMG-20181031-WA0072

 

IMG-20181031-WA0052
IMG-20181031-WA0062
IMG-20181031-WA0065
IMG-20181031-WA0070
IMG-20181031-WA0066
IMG-20181031-WA0069
IMG-20181031-WA0067
IMG-20181031-WA0068
IMG-20181031-WA0084
IMG-20181031-WA0079
IMG-20181031-WA0080

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.