Kulan ay shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen gudiga joogtada ah ee aqalka sare ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in lagu go’aaminayo wakhtiga uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre hortagayo senetarada aqalka sare ee barlamaanka.
Kulanka ayaa sidoo kale ay Guddiga Joogtada Aqalka Sare warbixin waxa ay uga dhageysanayaan guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi kaas oo dhowaan kulamo la yeeshay Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo xubno ka tirsan Hey’adaha Caalamiga.
Senatorada Aqalka Sare oo golaha ku matala Maamul goboleedyada ayaa sida qorshaha uu yahay su’aalo weydiin doona Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya marka uu furmo kulanka ay su’aalaha lagu weydiinayo Ra’iisul wasaaraha.
Su’aalaha ugu badan ee la filayo in ay senetarada aqalka sare weydiiyaan Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ayaa waxaa kamid ah khilaafka dowladda Dhexe xiligan kala dhexeeya dowlad goboleedyada, qorshayaasha waxqabad ee xukuumada horyaala iyo arimo kale.
Bilihii ugu dambeeyay golaha aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kuguda jiray gaabis dhanka shaqooyinka golaha ah walow mudooyinkii dambe gudoonka iyo senetarada aqalka sare ay ku howlanaayeen xal u helida khilaafka u dhexeeya madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.