Tr. 22/11/2016
BAAQ KA SO BAXAY WAXGARADKA, AQOONYAHANADA IYO DHALLINYARADA EE BEELWEYNTA HAWIYE
Waxgaradka, Aqoonyahanada iyo Dhallinyaradda beelweynta Hawiye oo maalmahan shir uga socday magaaladda Muqdishu kaasoo ay kaga tashanayeen xaaladda guud iyo tan siyaasadeed ee uu dalku marayo,
Kulamadan ayaa waxa si qoto dheer looga hadlayay qaabka doorashooyinka dalka u socdaan.Gabagabdii shirarkan ayaa waxaa laga soo saaray baaq ka kooban dhowr qodob oo kale ah:-
- Beesha Hawiye waxay diidan tahay faragelinta tooska ah ee madaxtooyada Soomaaliya ay ku heyso soo xulista ergooyinka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed iyadoo dowladda waqtigeeda dhammaadey isticmaalayso awood.
- Waa in madaxda dowladda ee waqtigeedu dhamaaday joojiyaan marin habaabinta geedi socodka doorashooyinka dalka.
- Beelaha Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay beesha Hawiye waxay shaki iyo walaac badan ka muujinayaan soo xulista xildhibaandda aqalka hoose ee ka socoto dalka taasoo loo maamulayo si musuqmaasuq ah.
- Qaabka soo xulista xildhibaanadda aqalka sare ayaa iyadana lagu sameeyay faragelin qaawan oo uu musuqmaasuq cad ka muuqdo, in kastoo soomaaliya aysan u baahnayn wax loogu yeerayo aqalka sare oo ah dhibaato ku soo koradhay Bulsho weynta soomaaliyeed.
- Mushuraxiinta aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose waxaa laga qaadaa lacag diiwaangelin ah sidaa darteed, waxay ummadda soomaaliyeed uga fadhidaa dowladda waqtigeeda dhammaadey in ay u cadeyso bulsho weynta soomaaliyeed lacagtaas meesha ay ku baxdo.
- Soo xulista ergooyinka ayaa iyadana loo isticmaalay si ka dhan ah cadaaladii loo baahnaa in lagu soo xulo islamarkaan dowladda waqtigeeda dhammaaday u adeegstay awood dhaqaale.
- Ugaasyadii iyo Nabadoonada beelaha Soomaliyeed ee la yaqaanay ayaa lagu bedelay kuwa aan waligood noqon Ugaasyo iyo Nabadoono iyadoo lagu fushanaayo dano gaar ah.
- Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay si buuxda meel uga soo wada jeestaan musuqmaasuq baahsan ee ka jirto doorashooyinka dalka oo ay horseed ka tahay dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ka jira islamarkaana ay u hiiliyaan isbedelka dowladeed ee ka dhici doono dalka.
- Waxaan walaaca ka muujinaynaa shakiga ballaaran ee aan ka qabno dhex-dhexaadnimada guddiga doorashooyinka sababtoo ah waa koox ay soo xusheen dowladda waqtigeeda dhammaaday iyo maamul goboleedyada dalka ka jiro ujeeddadooduna tahay sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen.
Ugadambeyntii waxaan beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ugu baaqeynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan musuqmaasuq baahsan ee ay ku kacyaan mas’uuliyiinta dowladda waqtigeedu dhammaaday.
WABILAAHI TOWFIIQ
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0