Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu ka warbixiyay shirkii saddex geesoodka ahaa ee uu la yeeshay hogamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea, kaasi lasoo gabgabeeyay horaantii bishaan.
Farmaajo ayaa shaaciyay in ugu horeyntii uu kala hadlay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed faragelinta uu dalkiisa ku hayo Soomaaliya, isaga oo daboolka ka qaaday inuu soo dhaweeyay qodobadda uu miiska u saaray.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwaynaha daboolka ka qaaday in sidoo kale ay isla soo qaadeen Abiy Axmed is-dhexgal ay ka yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya dhinaca amniga iyo dhaqaalaha.
Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah