Home Afsomali Musharax ugu Cadcad Musharaxinta Puntlad oo ka hadlay doorashooyinka 5aad ayaa soo...

Musharax ugu Cadcad Musharaxinta Puntlad oo ka hadlay doorashooyinka 5aad ayaa soo dhaweeyey faragalinta dowlda Somalia

DR Saadaq eenow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka madaxweynenimo ee maamul goboleydka Puntland State ayaa ka hadlayey doorashooyinka ama talo wadaagyada la filayo in ay ka kala dhacaan muumulada dalka ayaa hoosta ka xariiqay in aan koox gaara gacanta loo galinin isla markaana ka digay in aan la siyaasadeeyn doorashooyinka si dalku u helo dowlada goboleud si caadil ah howsha ula waregto

Faragalinta dowlada fadaraalka xaq bay u leedahay oo iyada ayaa dalka ka masuul ah waxaana xaq loogu leeyahay in ay wax saxdo waana in ay ka ilaaliso shisheeyahay iyo cid kasta oo si aan sharci aheyn wax ku dooneysa

Waa in fursad la siiyo cid kasta oo ka qeybgasha doorashooyinka wuxuuna sheegay in dalkeenu yahay mid aan xasilooneyn oo aan amankiisa guud la isku haleyn Karin iyad oo taasi jirta ayuu xusay in maamulka Puntladn ay ku guuleysteen in ay dhistaan maamulkaas wuxuuna ku amaanay odoyasha dhaqanka oo hormuud ka haa

“Maamulka puntland waxaa dhismihiisa hormuud ka ahaa saraakiil ciidan sida Cabdulaahi yuusuf Axmed Iyo Cade Muse Xersi  tobankii sano ee ugu horeysay waxaana uga daba maray aqoonyahano xilkii kala wareegay  sida faroole iyo Cabdi weli Gaas “.

Waxaa la isku dhaarsaday in beeluhu doordaan dad aan laaluush wax ku dooneynin waxaan la dagaalameynaa nin dibada ka yimid oo nabadoonkiisii lacag lagu doorto u geeya sidoo kale waxaa la iska ilaalinayaa in beeli wacato nin dibada oo joogo oo tiraahdo jagadaas adigu isu soo sharax oo xilkaa Noo qabo

Wuxuu sheegay in ay Ceebo soo baxayaan lana doonayo in laga gudbo ficil kasta oo sharci daro ah

Taariikhda laguma sheegin ummadd uu siyaasi heer sare gaarsiiyey maamulna u dhisay isaga oo dhanka kale Canbaareeyey siyaasiyiinta dalku sida ay u dhaqmaan oo uu sheegay in ay yihiin danley il gaara wax ku eegta waxaana wadada saxda ka leexiyey hamuunta uu u qabo tiisa u gaarka ah ayuu hadalkiisa ku daray musharax saadaq eenow oo meesha ka saaray in siyaasi umadda hourumar ka sugto

Puntland ayaa la filayaa in ay ka dhacdo doorashadii 5aad intii uu maamulkaasi dhisnaa

DR Saadaq eenow wuxuu aad u dhaliilay Nidaamka awood qeybsiga 4.5 oo uu sheegay in uu dalka ku soo kordhiyey dib u dhac iyo habacsanaan iyo qof in uu xil ku qabto magac beeleyd isaga oo aan aqoon u leheyn jagada uu ku helay qabiilkiisa iyo manfac ahna kaligii ayaa quutaa magacana beeshiisa ayuu la wadaagaa

Waxaana leeyahay waayeel hasoocine waxgarad sooca dhanka kale saaday ayaa ka digay in fara galin lagu sameeyo doorashooyinka soo socda

Maamulka Puntland oo oo labaatan jirsaday ayuu sheegay in dhaawacyo soo gaaray darted uu u noqon waayey mid qaangaara Cismaan yuusuf keeni diid  ayuu ku soo habqabsay oo yiri umaddii madaxdu ka xumaato waa marin habnaabaane kuwa madaxda looga dhigay waa manfaca done

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.