Home Afsomali WAXMATARE CABDI-QANI SACIID CARAB WAA MILKIILAHA K/CAGTA, 20-SANNO AYAANA U QORAN INUU...

WAXMATARE CABDI-QANI SACIID CARAB WAA MILKIILAHA K/CAGTA, 20-SANNO AYAANA U QORAN INUU GUDDOOMIYE AHAADO!

Halkani waa Soomaaliya, waa dal ay la degeen dagaalo sokeeye, sharci laga baqo kama jiro, wey adag tahay inaad aragto doorasho ku dhacda xaq iyo xallaal, lacag ayaa inta badan loo adeegsadaa doorashooyinka laga qaban-qaabiyo wadankaan, musuq-maasuq ayaa la isku doortaa, coddadka ayaa la iibsadaa, Musharaxii dhaqaale badan haysta ayaa si fuddud ugu soo baxo doorasho kasta oo la qabto.
Mid ka mid ah doorashooyinka Soomaaliya ugu musuqa badan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, doorashadaasi ayaa lagu sheegay inay aheyd doorashadii 7-aad ee Xiriirka K/Cagta Soomaaliya.

Xilka Guddoomiyaha Xiriirkaasi waxaa isu soo taagay Hal {1} musharax oo ah Milkiilaha loo tiriyo inuu iska leeyahay Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, Shux-shux dheer kadib waxaa la isku af-gartay in si wada ogol ah gacanta loogu taago Guddoomiyihii Xiriirkaasi soo maamulayay 4-sanno ee la soo dhaafay & Ku- xigeenadiisa.

Xeel dheerayaasha isboortiga ayaa caddeeyay in Doorashadaasi ay aheyd mid ay wateen koox is af taqaano oo hal dhinac ah, la yaab waxaa laheyd 25-ka kooxood ee coddeynayay intooda badan waxaa iska lahaa C/qani iyo Ku-xigeenkiisa, si loo xallaaleeyo doorashadaasi ayaa halkii ay ka dhacaysay waxaa lagu casuumay xubno ka tirsan Fifa & Cecafa, kuwaasi oo ka mid ah saaxiibada ay wax isla cunnaan Guddoomiyaha aan calankiisa dhici doonin ilaa & 20-ka sanno ee soo socoto!

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyaa Hogaaminta ninkaasi, qaar ka mid ah bahda isboortiga ayaa aaminsan inuu horumar gaarsiiyey cayaaraha K/Cagta, fekerkaasi mid ka duwan waxaa rumaysan in badan oo ka tirsan Maamulayaasha & taageerayaasha cayaaraha, kuwaasi oo ku eedaynaya ninkaasi inuu yahay shaqsi si ba’an ugu takri fala xilka uu hayo!

Xubno ka tirsan gacan yarayaashiisa ayaa kuu sheegaya in C/ qani uu yahay Sindikihii Labaad ee K/Cagta, iyaga oo ku doodaya sidii Faarax oo kale inuu Guddoomiye C/qani sii maamuli doono Xiriirka K/Cagta muddo aad u dheer!

#Isboorti_Ba_ow_Yaa_Ku_Lahaa!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.