Home Afsomali Dhageyso Xasan oo yiri Ethioipia lama sinin

Dhageyso Xasan oo yiri Ethioipia lama sinin

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo horjeestay Ololaha dowladda Soomaaliya ay waddo ee ku aadan Hanaan goboleedka dalalka geeska Afrika ee ku aadan horumarinta dhaqaallaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan dhici karin in ay Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ay ku midoobaan Siyaasad xilli Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan sidda Siyaasad aan degeyn iyo waliba dalka oo aan la heyn Ciidan xooggan.

Waxaa uu sheegay in aan la bilaabin karin xilliggaan Midnimadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay in hadda loo baahan yahay in dalka dib loo dhiso oo aan umadda Soomaaliyeed dhibaato hor leh loo horseedin.

Dhanka dhaqaallaha ayuu sheegay  Xasan Sheekh Maxamuud in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka been sheegtay ,islamarkaana korarka dhaqaallaha Soomaaliya uu soo bilowday Sanadkii 2013-kii waxii xilligaasi ka dambeeya sanadba sanadka ka dambeeyay laga sameeyay horumaro kala duwan.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku dhaliilay in aysan siyaasadeysay dhaqaallaha dalka, loona baahan in ay  dadka Soomaaliyeed  runta loo sheego oo dib loogu laabto kororka dhaqaallaha ee soo bilowday sanadkii 2013-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.