Home Afsomali Ethiopia nin la aasi rabay oo naxashkii gudaha ka soo...

Ethiopia nin la aasi rabay oo naxashkii gudaha ka soo garaacay

Dadka ku nool xaafad ku taalla dalka Itoobiya ayaa u dabaal dagaya wax u eg “qof dib u soo noolaaday” ka dib markii nin lagu tiriyay dhimasho uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro.

Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday maalintii Talaadada ahayd, abaare 10:30 barqanimo ee xilliga dalkaas.

Sida uu qabo xeerka dhaqan ee maxalliga ah, oo looga dhaqmo xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taasoo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan.

Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Mr Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaas.

Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, saacaddu markii ay ahayd abaare 15:30 galabnimo, ee wakhtiga maxalliga ah, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka.

Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yiri Mr Etana, isagoo sharraxayay sida uu Mr Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka.

Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof oynaya. Neefta ayaa igu xirmeysay waxaana isku dayayay inaan karfanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo”. Ayuu yiri.

Ka dib wuxuu sheegay iney u suurta gashay inuu caawinaad dalbado. “Yaa jooga meeshan?”

Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag.

Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yiri: “Waxaan horay usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”.

Dr Birra Leggese ayaa sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”.

Dhowr bilood ka hor, isla deegaan ka tirsan gobolka Oromia ayuu nin si iskiis ah u sheegtay nabinimo soo jiitay indhaha warbaahinta, ka dib markii uu isku dayay inuu dib u soo nooleeyo qof dhintay, isla markaana uu ku hungoobay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.