Milkiilayaasha iyo Darawalada Gaadiidka Dadweynahu ay raacaan ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho ayaa Saakay ku dhawaaqay in ay Joojiyeen Shaqdii kadib markii ay sheegeen in Lacago Xad-dhaaf ah looga qaado Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood iyo Lacag kale oo ay ku sheegeen in ay tahay Caymis oo lagu amray Gaadiidleyda in ay bixiyaan.
Qaar kamid ah Wadeyaasha Gaadiidka Dadweynaha oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aysan Awoodin bixinta Lacagta Faraha badan ee lagu soo rogay,waxaana ay sheegeen in ay Go’aan ku gaareen in Shaqada ay joojiyaan.
Dhanka kale Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Saakay ay shaqada joojiyeen ilaa 10 Kun oo ah Gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.
Wasaaradda Gaadiidka Xukumadda Soomaaliya weli kama hadlin Shaqo Joojinta ay ku dhawaaqeen Darawalada ka Xeeya Gaadiidka Dadweynaha ee ka Cabanaya Lacagaha laga qaado.
Hanta dhowrka Guud ee dalka ayaa goor sii horeysay in ay sharci daro tahay jiritaanka hey.adda ceymiska wuxuuna xusay in ay masuuliyada intaa ka eg qaadi Karin
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0