Munaasibadaan furitaanka Carwada wax soo saarka taliska ciidanka Asluubta Somaliyeed ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha aqalka sare xildhibaano xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka taliyaha ciidanka Xooga dalka taliyaha ciidanka Asluubta wasiirka cadaalada gudoomiyaha gobolka banadir sareeyayaal ciidan iyo masuuliyiin kale oo carwada lagu casuumay
Kooxaha fanaaniinta onkod iyo baambayda aslubta ayaa heeso iyo musig kala duwan ku soo bandhigay
Sareeye Guut Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe taliyaha ciidanka Asluubta oo munaasibada furay ayaa ka warbixiyey wax soo saarka ciidanka iyo Qalabka ay farsameeyaan maxaabiista ku jirta Xabsiga wuxuuna xusay in ay dhawaan ay soo bandhigayaan gaari aan xabadu Karin kaasi oo ay sameeyeen .
maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Xamar ayna dadweynaha wax ka iibsan karaan mudada sadaxda maalin ah oo ay furan tahay
Qaar ka mid ah Maxaabiista farsamada bartay intii ay xirnaayeen isla markaana sameysay aqabyada kala duwan ee carwada lagu soo bandhigay oo si gooni ah ula hadashay somalisan.com ayaa dareenkooda ka falceliyey waxayna ku nuuxnuuxsadeen in ay barteen Alxanka Gawaariga sida loo farsameeyo ganjeelooyinka kuraasta iyo miisadaha qalabyada xafiisyada iyo jiifka Guryaha
Wasiirka cadaalada Garyaqaan Xasan Xusen Xaaji ayaa sheegay in ujeedka carwadani tahay kala faaiideysi iyo isdhaxgalka Qeybaha kala duwan ee bulshada
Gudoomiyaha aqalka sare Sanator Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ku dhawaaqay in ay cawadaani furan tahay