Wararka laga helayo Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo hogaanka sare ee Ahlu-Suna, waxaana khilaafkaasi uu salka ku haayaa, doorashada Madaxweyne ku xigeenka Madaxweyne Xaaf.
Ahlu-suna ayaa la sheegayaa in ay doonayaan in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug loo doorto shaqsi ay iyagu wataan balse Madaxweyne Xaaf ayaa iska diidan sida muuqata waxa uuna taasi badalkeeda doonayaa in uu Madaxweyne ku xigeenkiisa noqdo ruux ay isku dhawyihiin si uu ugu baaqsado khilaaf kala oo soo kala dhex galla madaxweyne ku xigeenkiisa la dooran doono.
Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaafkaani soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo hogaanka sare ee Ahlu-suna in uu sooo jiitamaayey ilaamaa markii Xildhibaanada Galmudug garabkooda fadhiya Magaalada Dhuuso-Mareyb ay shaaciyeen in xilkii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ay ka xayuubiyeen Cabdi Xaashi Carbeey, waxaase hada sida muuqata uu gaaray khilaafkaani meel xun.
Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal dheer ku bixinaaya in uu Ahlu-suna uu ku qanciyo in shaqsiga uu wato uu madaxweyne ku xigeen u noqdo balse ahlu-suna ayaa ka biyo diidan rabitaanka Xaaf.